Thursday, September 3, 2026

Somaliya oo ku Baaqday in Geeska Afrika laga dhiso hal Aag Dhaqaale oo Wadaag ah

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Soomaaliya ayaa ku baaqday in dalalka Geeska Afrika ay ka gudbaan ballanqaadyada siyaasadeed, una dhaqaaqaan tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu dhisayo hal aag dhaqaale oo wadaag ah, kaas oo fududeynaya ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha gobolka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Mohamed Hassan, ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga ee dalalka ku mideysan Hindisaha Geeska Afrika (HoAI), isaga oo kulanka ku guddoomiyay magaca dalalka xubnaha ka ah hindisaha.

Wasiirku wuxuu sheegay in iskaashiga gobolka loo baahan yahay in laga dhigo mid natiijooyin muuqda u horseeda ganacsatada iyo shacabka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo isku-xirka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.

Waxa uu si gaar ah ugu baaqay in la ansixiyo lana hirgeliyo Qorshe-hawleedka Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee 2026–2031, iyo in la dhiso Guddiga Goboleed ee Fududeynta Ganacsiga (RTFC), iyadoo dalalka xubnaha ka ah hindisaha looga baahan yahay inay waqtigooda ku soo magacaabaan wakiillada guddiga.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay ku baaqday in la xoojiyo isku-dubaridka dalalka xubnaha ah, la helo maalgelin ku filan, isla markaana ganacsatada iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay ay si dhab ah uga qayb qaataan hirgelinta qorshayaasha gobolka.

Wasiirrada ka kala socday Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan ayaa iyaguna taageeray qorshaha fududeynta ganacsiga iyo dhismaha guddiga gobolka.

Doodaha shirka ayaa xoogga lagu saaray horumarinta marinnada ganacsiga, fududeynta habraacyada kastamka, isku-xirka dekedaha iyo dalalka aan badda lahayn, casriyeynta xuduudaha iyo adeegyada dhijitaalka ah, iyo sidii ganacsatada loogu dari lahaa dadaallada lagu xoojinayo ganacsiga gobolka.

Dowladda Jarmalka oo ku hadlayay magaca saaxiibbada horumarinta ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ajendaha ganacsi ee gobolka, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda hoggaanka dalalka Geeska Afrika, isku-dubaridka taageerada farsamo iyo dhaqaale, iyo dejinta hannaan cad oo lagu fuliyo qorshayaasha la isla qaatay.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in himiladu tahay in Geeska Afrika uu noqdo meel dhaqaalaheedu isku xiran yahay, halkii dalalku ay kala qaybsanaan lahaayeen, si badeecadaha, adeegyada iyo fursadaha dhaqaale ay si fudud ugu kala gudbaan dalalka gobolka.