Masuulka ugu muhiimsan maamulka Trump, ayaa isku diyaarinaya inuu is casilo, si uu u badbaadiyo siyaasadiisa.
Waa Marco Rubio, oo isku haya xilka xoghayaha arrimaha dibadda ahna la taliyaha amniga qaranka Mareykanka, iyadoo jagooyinkan ay ka mid yihiin kuwa ugu muhiimsan ee laga qabto Mareykanka.
Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee The Independent ayaa ku sheegay ujeeddada uu isku casilayo Marco Rubio,inay la xiriirto si uu siyaasadiisa uga fogeeyo guul-darrada iyo nacaybka uu Trump ka wajahayo shacabka Mareykanka.
Haddii talaabadan uu ku dhaqaaqo,waxay ka dhigantahay burbur siyaasadeed oo ku dhacaya Trump, xilli doorashadii dhaxe guul darro ceeb ah uu ka wajahay xisbigiisa Jamhuuriga.
Marco Rubio, haddii uu is casilo markaa waxay gudaha Mareykanka iyo dunidda usoo bandhigaysa Trump inuu noqdo mid fashilmay oo saaxiibbadii ay uga kala dhuumanayaan si ay guul-darrada isaga dusha ugu saaran, una dhistaan mustaqbal siyaasadeed oo Trump uusan qayb ka ahayn.
Warbixinta The Independent , ayaa sidoo kale lagu sheegay Rubio, inuu isku diyaarinayo si uu u noqdo musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxweynaha oo Mareykanka ka dhacaysa 2028.
Waxay u muuqataa Marco Rubio, inuu dhiirrigelin ka helayo kooxaha midigta fog ee Mareykanka iyo kuwa taageerra Israa’iil, kuwaasoo la dhacsan siyaasadda Rubio iyo sida uu daacad ugu yahay Israa’iil, balse in qof ka socda jamhuuriga uu ku guuleysto doorashada 2028, waa mid u hooseysa, sabab la xiriirta qaadacaada shacabka Mareykanka ee ka dhanka ah xisbigan oo dagaallo iyo dhaqaale burbur dhexda u galiyay.
