Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dhisme dabaqyo badan ah oo ku yaalla bartamaha magaalada Minneapolis, Minnesota, ee dalka Mareykanka.
Booliska Minneapolis ayaa sheegay in saddex askari oo ka tirsan ciidanka booliska ay dhaawacmeen intii ay ciidamada ka jawaabayeen dhacdada. Laba ka mid ah askarta ayaa soo gaaray dhaawacyo rasaas ah, halka sarkaalka saddexaad uu qabay dhaawac aan halis ahayn. Dhammaan saddexda askari ayaa la dhigay isbitaalka Hennepin County Medical Center, waxaana la sheegay inay xaaladdoodu deggan tahay.
Afhayeenka booliska Minneapolis, Sergent Garrett Parten, ayaa sheegay in markii ciidamada ay gudaha u galeen dhismaha ay maqleen rasaas kale, taas oo ku qasabtay inay u gudbaan dabaq sare. Halkaas ayay kula kulmeen xaalad ay aragtidu aad u adkayd, kaddib markii uu jiray qiiq ama ceeryaamo gudaha dhismaha ah.
Labada qof ee rayidka ah ee ku dhintay dhacdada, mid ayaa goobta lagu xaqiijiyay inuu dhintay, halka qofka labaad uu markii dambe ku geeriyooday isbitaalka.
Ninkii looga shakisan yahay inuu weerarka geystay ayaa isna dhintay. Boolisku weli si rasmi ah uma aysan shaacin sida uu u geeriyooday, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo faahfaahinta dhacdada iyo sababta ka dambaysay weerarka.
Ilaa hadda, ciidamada ammaanka ma aysan shaacin aqoonsiga ninka weerarka geystay iyo ujeeddada uu ka lahaa toogashada. Hay’adaha federaalka Mareykanka, oo uu ku jiro FBI-da, ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya baaritaanka.
