Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta u ambabaxay dalka Maraykanka, isaga oo sii mari doona Isutagga Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha, Xuseen Aadan Cige (Deyr).
Afhayeenku waxa uu sheegay in safarkani yahay kii ugu horreeyey ee Madaxweyne Cirro uu Maraykanka ku tago tan iyo markii uu xilka madaxtinimada qabtay.
Sida lagu sheegay bayaanka, safarka ayaa la xidhiidha xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo dadaallada Somaliland ugu jirto sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah.
Inta uu ku sugan yahay Maraykanka, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho masuuliyiin iyo dhinacyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo uu kala hadli doono arrimo la xidhiidha danaha iyo himilooyinka Somaliland, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in safarku qayb ka yahay dadaallada Somaliland ku doonayso inay ku xoojiso xidhiidhka iyo iskaashiga ay la yeelanayso dhinacyada caalamiga ah.
Safarka Madaxweyne Cirro ee Maraykanka ayaa imanaya xilli Somaliland ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah iyo in ay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.
