Saturday, September 5, 2026

Injineerka Diyaaradda Dagaalka Turkiga KAAN Oo Sheegay in Hada la Barbardhigi karo Diyaaradaha Dagaalka F-22 Raptor Ee Mareykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Injineerka diyaaradda dagaalka ee Turkiga KAAN, Emre Yaban, ayaa sheegay in diyaaradda KAAN, hada la barbardhigi karo diyaaradaha dagaalka casriga ah sida F-22 Raptor oo uu leeyahay Mareykanka, Su-57 oo uu leeyahay Ruushka iyo J-20 oo uu leeyahay Shiinaha.

Yaban ayaa sheegay in KAAN loo qorsheeyay inay yeelato awood sare oo dagaalka cirka ah iyo firfircooni weyn oo ay ugu dhaqaaqdo uguna leexato jihooyin kala duwan, taas oo sare u qaadi doonta waxqabadkeeda marka ay ku jirto dagaal cirka ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in KAAN ay yeelan doonto awood qarsoodiyeed (stealth) oo aad u sarreysa, taas oo ka caawinaysa in ay adkaato in lagu ogaado laguna raadiyo radar-ka.

Yaban ayaa intaas ku daray in himilada Turkigu aysan ku koobnayn oo keliya diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad, balse mashruuca KAAN loogu talagalay in uu abuuro kaabayaal iyo tiknoolajiyad horseedi karta horumarinta diyaaradaha dagaalka jiilka lixaad.