Friday, November 6, 2026

Iiraan Ooku Hanjabtay Inay Weerari Doonto Yurub, Hadii Mareykanku Markale soo Weeraro.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ahmad Bakhshayesh oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga ammniga ee Baarlamanka Iiraan ayaa sheegay in iska hor imaad kasta oo cusub oo dhexmara Iiraan iyo Mareykanka uu keeni doono in Iiraan ay gantaalo ku garaacdo saldhig kasta oo Yurub ku yaala oo Mareykanku u adeegsado dagaalka.

Ahmed Bakhshayesh ayaa yidhi. “Haddii Mareykanku isticmaalo saldhigyadiisa ku yaalla Dalalka Yurub, oo ay ku jiraan saldhigyadiisa Talyaaniga iyo Jarmalka, gantaallada Iiraan waxaa loo ridi doonaa dhanka qaarada Yurub.”

Issaga oo intaasi raaciyay. “Labadii dagaal ee hore tallaabadan ma aanan qaadin, laakiin markan ma oggolaan doonno, ciqaab la’aana kama tegi doono in Yurub ay taageero siiso Mareykanka si uu u weeraro Iiraan.”