Dowladda Federaalka iyo Mucaaridka ayaa qarka u saaran in ay gaadhaan heshiis-doorasho, iyaga oo dhisaya Guddiga Kala-guurka, sida uu sheegey Wasiir hore Maxamed Cabdirsaaq oo hoggaamiya ergada wada-hadallada ee Nabad & Nolol.
“Khilaafaadka siyaasadeed laguma xallin karo gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn iyo awood ciidan, haddii heshiiska DTT ( Democratic Transition Task Force) uu yeelanayo wax macne ah, rabshaduhu waa inay joogsadaan, geeddi-socodka siyaasadeedna waa in la ilaaliyaa.” — Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo walaac ka muujiyey xaaladda amni ee dalka.
Puntland & Jubbaland ayaa iyagu sii kordhiyey walaaca ay ka qabaan xaaladda-siyaasadeed & amni ee dalka ka dib dhacdadii Doolow, iyaga oo ku adkaysanaya dammaanad-qaad laga helo Beesha-caalamka oo iyadu ku dhexjirta siyaasiyiinta Soomaalida.
