Monday, September 7, 2026

Dawlada Qadar Oo Sheegtay In ku Tiirsanaanta Difaaca Maraykanka ku Filnayn Dalalka Khaliijka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa sheegay in dagaalkii u dhexeeyay Iran iyo Maraykanka uu muujiyay in dalalka Khaliijku aysan ammaankooda ku tiirsanaan karin oo kaliya iskaashiga istiraatiijiga ah ee ay la leeyihiin Mareykanka.

“Waxaa lagama maarmaan ah inaan gobolka Khaliijka ka fahanno in joogitaanka ciidamada caalamiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Mareykanka ay aad muhiim u yihiin, balse aysan ku filnayn.

Isku-ku-tiirsanaanta dhanka amniga ayaa ah wadada kaliya ee loo marayo horumarka,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, isagoo ka hadlayay madal ka dhacday magaalada Abu Dhabi.