Saturday, November 7, 2026

Iiraan Oo Isku Diyaarinaysa Suuragalnimada in MaraykankuHub Nukliyeer ah ku Weeraro..

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dawlada Iiraan ayaa isku diyaarinaysa suuragalnimada in Maraykanku hub nukliyeer ah ku weeraro goobaha xarumaheeda nukliyeerka. sida NBC news iyo The Times,ku warrameen.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Iiraan ayaa bilaabay inay kiniinnada iodine-ka u qaybiyaan dadka ku nool agagaarka xarumaha nukliyeerka, gaar ahaan kuwa u jira xarumahaas masaafo dhan 2 ilaa 3 KM.

Mid ka mid ah saraakiisha Iiraan ayaa yiri:“Haa, waan qaybinaynaa kiniinnada iodine-ka. Mar dambe lama aamini karo Trump. Wuxuu geysan karaa dambigan.”