Wednesday, September 16, 2026

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Cambaraynaysaa Xadhigga Weriyayaasha Ee sii Kordhaya.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xarunta Xuquuqal Insaanka madax-bannaan ee Somaliland waxay cambaraynaysaa xadhigga weriyayaasha ee sii kordhaya. 29/08/2026 waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay weriye Cabdiqani Baylood, oo ah weriye madax-bannaan. Weriyaha ayaa u xidhan gabay uu tiriyey Abwaan Ismaaciil Jiheeye, kaas oo uu weriyuhu duubay isla markaana baahiyey.

Sidoo kale, abwaanka ayaa isna xidhan, waxaana la xidhay 28/08/2026, isaga oo u xidhan gabaygaas uu tiriyey.

Dastuurka Somaliland waxa uu reebayaa in qofka xorriyaddiisa si aan sharci ahayn looga qaado. Sida ku cad qodobka 25 (2) ee Dastuurka Somaliland: “Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aanu sharcigu bannayn.”

Muddooyinkan dambe waxa soo badanayey xadhigga sharci-darrada ah ee lagula kacayo weriyayaasha, kaas oo baalmarsan Dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.

Dastuurka Somaliland, qodobka 32 (3), waxa uu sheegayaa: “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyadaha aasaasiga ah ee ra’yi-dhiibashada, waxaanay leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo, hawshoodana xeer baa nidaaminaya.”

Xaruntu waxay ka walaacsan tahay cadaadiska iyo xadhigga sii kordhaya ee dawladdu ku hayso warbaahinta madax-bannaan.

Ugu dambayn, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah xorriyaddooda loogu soo celiyo weriyaha iyo abwaanka xidhan, lana joojiyo xadhigga aan sharciga waafaqsanayn ee lagula kacayo saxaafadda madax-bannaan.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay ku saxeexan tahay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal-insaanka Insaanka Somaliland Yasmiin Cumar Xaaji Maxamuud.