Wednesday, September 16, 2026

Taliye sare Muhiim u ahaa Ruushka Oo la Sheegayo in Lagu Dilay Dagaalka Ukrine…

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahin Ruush ah oo dibad-joog ah ayaa sheegtay in Major General Anton Gromov, oo ahaa taliyaha guutada 4-aad ee ciidanka lugta ee Ruushka, lagu dilay dagaalka Ukraine.

Warbixintu waxay sheegtay in dhimashadiisa uu xaqiijiyay taliyaha cutubka Akhmat ee Chechnya, Apte Alauddinov.

Guutada uu hoggaaminayay Gromov ayaa bilihii u dambeeyay ku lug lahayd dagaalka magaalada Kostiantynivka ee bariga Ukraine. Bishii July, Gromov ayaa Madaxweyne Vladimir Putin u sheegay in ciidamada Ruushku ay qabsadeen magaalada, waxaana bishii August loo dallacsiiyay darajo sare, laguna abaalmariyay billadda Hero of Russia.

Si kastaba, xaaladda iyo goobta saxda ah ee lagu dilay weli si rasmi ah looma caddeyn.

Taliyaha ciidamada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, Robert “Madyar” Brovdi, ayaa sheegay in Gromov lagu dilay weerar dhacay 12-kii September, wuxuuna baahiyay muuqaal uu sheegay inuu muujinayo weerarka.