Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay islamarkaana wax aan la aqbali karin ku tilmaantay isku day lagu bartilmaameedsaday magaalada barakaysan ee Makka, kadib markii Sacuudigu sheegay in ciidamadiisa difaaca cirka ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo ku wajahneed magaalada.
Soomaaliya waxay sidoo kale cambaareysay weerarradii dhowaan lagu qaaday goobo rayid ah oo ku yaalla gudaha Sacuudiga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay Sacuudiga, isla markaana ay aqoonsan tahay xaqa uu u leeyahay inuu ilaashado dhulkiisa, dadkiisa iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.

