Wednesday, September 16, 2026

Roobab Dabaylo Wata Oo Saameyn Adag Yeeshay Oo ka Da’ay Muqdisho

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Roobab ay la socdaan dabeylo qabow ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhow, kuwaas oo dhinac ay dad badan ku diirsadeen, halka dhinaca kalena ay saameyn xooggan ku yeesheen qoysas boqolaal ah oo intooda badan ah barakacayaal iyo dad danyar ah.

Roobabka oo ahaa kuwo goos-goos ah ayaa marar kala duwan ku dhuftay qeybo badan oo caasimadda ah, waxaana la soo sheegay in dabeylaha xooggan ee watay ay waxyeello u geysteen qaar ka mid ah hoyga ay ku nool yihiin qoysaska barakacayaasha ah.

Qoysaska ugu daran ee ay roobabkan saameeyeen ayaa ah kuwa ku nool xeryaha iyo goobaha ay degan yihiin dadka barakacay, kuwaas oo intooda badan aan haysan guryo dhisan oo ka ilaalin kara roobka, qabowga iyo dabeylaha.

Qoysaska ay xaaladdu ku adkaatay waxaa ku badan carruur, haween iyo dad waayeel ah, kuwaas oo ku nool buushash iyo hoyo ku meel gaar ah oo laga sameeyay baco, cooshado iyo agab kale oo aan si wanaagsan uga celin karin biyaha roobka.

Dhibaatada ugu weyn ayaa soo wajahday qoysaska hoygooda ay dabeyluhu dumiyeen ama ay biyuhu gudaha u galeen.

Qaar kamid ah barakacayaasha ayaa sheegay in habeenkii lasoo dhaafay ay ku adkaatay inay carruurtooda ka ilaaliyaan roobka iyo qabowga, maadaama aysan haysan meel kale oo ay u guuraan.

Wararka laga helayo qaar ka mid ah goobaha ay ku nool yihiin barakacayaasha ayaa tilmaamaya in qoysas ay xalay ku qasbanaadeen inay bannaanka ama meelaha aan roobka si buuxda looga gabban karin ku sugnaadaan, kaddib markii ay burbureen hoygii ay ka galaayeen roobka.

Qoysaskaas ayaa xaaladda uga sii dartay iyadoo aysan haysan agab ku filan sida baco adag, bustayaal, dhar diiran iyo qalab kale oo ay uga gaashaantaan qabowga.

Dhibaatada roobka ayaa ku soo biirtay xaalado nololeed oo adag oo ay horey u wajahayeen qoysaska barakacayaasha ah.