Friday, September 25, 2026

Maraykanka Oo Arimaha Somaliya kala Hadlay Madaxwayne Ruto Xili Uu Xasan Sheekh Joogo Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xilli uu ku sugan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gudaha Maraykanka, ayaa waxaa xaaladda dalkiisa lagala xaajooday Madaxweynaha Kenya.

Marco Rubio, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa arrimaha Soomaaliya kala fariistay kalana hadlay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Sida uu baahiyay xafiiska Ruto, arrimaha Maraykanka iyo Kenya ka wada-hadleen waxaa ugu horraysay Soomaaliya, Haiti iyo Suudaan. Suudaan, waa dalalka aan sannadkan hadalka laga siin Golewaynaha QM, mana jiro Madaxweyne matalayay. Sidaas si lamid ah majirin Madaxweyne matalayay dalka Haiti.

Haiti waa dal dhaca badwaynta kulaasha dhulka Maraykanka, waxaana ciidama ka joogaan Kenya oo ah dalka keliya ee afrikaanka ah ee ciidamo u diray dalkaas, waxaana arrinteeda si dhow u daneeya Maraykanka.

Si ka duwa labadaas dal, Soomaaliya waxaa metalayay Madaxweyne Xasan Sheekh, haddaba ma Maraykanka ayaa aqoonsanayn Madaxweynaha Soomaaliya? Haddii dalkasta oo ciidama nabad ilaalin joogaan lagala hadlayay Kenya, maxaa arrinta dalka ku dhegan ee Suudaanta Koonfureed (South Sudan) loogala fariinsan waayay?

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan uu u safrayo Washington lana kulmayo madax sare oo Maraykan ah uuna kujiro Marco Rubio. Haddiiba ay dhacaan kulamadaasi, waydiimaha sugaya jawaabaha waxaa ugu horreeya; maxay kadhigan tahay in xaalka Soomaaliya laga hadlo Wiliam Ruto