Warbixinno ay baahiyeen Al Jazeera iyo Al Arabiya , ayaa lagu sheegay Turkiga iyo Pakistan inay si degdeg ah taliyeyaashooda ciidamada ugu direen magaalada Riyadh, ka dib markii Sacuudigu ugu baaqay kulan degdeg ah oo looga hadlayo sidii loo dhaqan-gelin lahaa heshiiska difaaca wadajirka ah ee saddexda dal.
Kulanka ayaa dhacaya xilli dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen uu sii xoogeysanayo, isla markaana weerarrada Xuutiyiinta ay gaareen gudaha dhulka Sacuudiga.
Wasaaradda Difaaca Türkiye ayaa Jimcihii xaqiijisay in Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Türkiye, uu u safrayo Sacuudiga.
Sidoo kale, Field Marshal Asim Munir, oo ah Taliyaha Ciidamada Difaaca Pakistan, ayaa la filayaa inuu dhawaan gaaro caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.
Arrintan ayaa timid kadib markii Sacuudigu Türkiye iyo Pakistan ka codsaday taliyeyaasha ciidamada saddexda dal inay kulan yeeshaan. Codsigan wuxuu yimid kadib toddobaadyo ay Xuutiyiintu gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerarayeen gudaha Sacuudiga.
Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka, oo la saxiixay 7-dii Agoosto 2026, wuxuu dhigayaa in haddii mid ka mid ah saddexda dal ee Sacuudiga, Türkiye iyo Pakistan la weeraro, weerarka loo arko in lagu qaaday dhammaan saddexda dal.
Warbixin ay baahisay Al Jazeera , ayaa lagu xaqiijiyay
Xogta Sacuudigu ka bixiyay dhacdooyinkii maalmihii ka horreeyay kulanka Jimcaha waxay muujinaysaa sida ay Riyadh ugu aragto xaaladda mid degdeg ah oo halis ah.


