Labaatan iyo toddoba qof ayaa ku dhintay laba toogasho oo ay saacado u dhexeeyeen Koonfur Afrika, waana rabshadihii ugu dambeeyay ee rasaasta lagu furay dalkaas.
Toddoba iyo toban qof ayaa ku dhintay markii siddeed nin oo hubaysan ay weerareen baar ku dhow Johannesburg fiidnimadii Sabtida, iyadoo 15 kale ay ku dhaawacmeen.
Toogasho kale oo dhacday aroornimadii hore ee Axadda, 10 qof ayaa lagu dilay bannaanka goob madadaalo ah oo ku taal magaalo u dhow Cape Town, 11 kalena waa la dhaawacay.
Koonfur Afrika waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee dilalka lagu geysto, waxayna ku dhibtoonaysay inay xakamayso rabshadaha la xiriira qoryaha ee kooxaha sannadihii ugu dambeeyay. Booliisku ma aysan sheegin sababta dhabta ah ee ka dambeysay mid ka mid ah weerarradii ugu dambeeyay.
Magaalada Johannesburg, rag hubeysan ayaa rasaas ku furay macaamiisha bannaanka baarka ka hor inta aysan sii wadin weerarka gudaha oo ay gubeen laba gaari ka hor inta aysan cararin.
Boliisku waxay sheegeen in saddex iyo toban nin iyo afar dumar ah la dilay.
Taliyaha Booliska Gauteng Lt Gen Tommy Mthombeni ayaa sheegay in dad ka yimid Itoobiya iyo Lesotho ay ka mid ahaayeen dadkii lagu toogtay toogashada, laakiin in badankoodu ay ahaayeen Koonfur Afrikaan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in booliisku ay aaminsan yihiin in ujeeddada ka dambeysa toogashada ay ahayd dhac, maadaama hanti shaqsi ah la qaatay, laakiin aysan meesha ka saari karin dagaallo u dhexeeya kooxaha macdan qodista sharci darrada ah.
