Sunday, September 27, 2026

Jabuuti Oo Eritrea ugu Baaqday in Wada-hadal Lagu soo Afjaro Khilaafka Dhuleed ee u Dhexeeya labada Dal.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dawlada Jabuuti ayaa Eritrea ugu baaqday in Wada-hadal Nabadeed Lagu soo Afjaro Khilaafka dhuleed ee u Dhexeeya labada Dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti oo ka hadlay gollaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Jabuuti ay diyaar u tahay in wadda-hadal diblomaasiyadeed lagu soo afjaro khilaafka dhuleed ee u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea.

Wuxuuna ugu baaqay Asmara iney soo celiso maxaabiistii ay qabatey intii uu socday dagaalkii labada Dal ku dhexmaray jasiirada dumeera sanadkii 2008, maxaabiistaas oo uu sheegay in mudo 18 sanadood ah aan laga warqabin xaalad ay ku sugan yihiin.