Friday, September 18, 2026

Dibad-baxyo Lagu Taageerayo Xuutiyiinta Yemen Oo ka Dhacay Caasimada Sanca

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Tobannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Yemen ee Sanca, iyagoo muujinaya taageerada ay u hayaan Xuutiyiinta, isla markaana cambaareynaya Sacuudi Carabiya, xilli dagaallada ka socda galbeedka Yemen ay sii xoogeysanayaan.

Isu-soo-baxa ayaa kusoo beegmaya xilli Xuutiyiintu ay dagaallo xooggan kula jiraan ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, kuwaas oo taageero ka helaya Sacuudi Carabiya.

Dhinaca kale, ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay in 30 dagaalyahan oo Xuutiyiin ah lagu dilay, in ka badan 60 kalena lagu dhaawacay dagaallo socday muddo 24 saacadood ah oo ka dhacay degmada Al-Wazi’iyah ee galbeedka magaalada Taiz.