Gaashaanle Sare Maxamed Cabdiqaadir “Shariif” ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, isagoo kala wareegay S/Guuto Cabdiwahaab oo ahaa taliyihii xilkan ku fadhiyay.
Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu Gaashaanle Sare Shariif u magacaabay xilkan u magacaabay 25-kii bishan.
Taliyaha cusub ayaa ka mid ah saraakiisha leh waxbarasho iyo tababar ciidan, isaga oo shahaadada heerka koowaad ka qaatay Jaamacadda Cadan ee dalka Yemen, halka tababarro ciidan uu ku soo qaatay dalka Eritrea.
Ciidamada Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed ayaa ka mid ah hay’adaha muhiimka u ah amniga iyo madaxbannaanida dalka, waxaana waajibaadkooda ka mid ah: Ilaalinta xeebaha iyo biyaha Soomaaliyeed, ka hortagga kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo falalka kale ee ka baxsan sharciga.
