Monday, September 21, 2026

Somaliland Oo Ugu Baaqday Bulshada ku Nool Maraykanka ka Qayb-galaan Banaan-baxa aqoonsiga Ee Xarunta QM.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xukuumadda Somaliland, ayaa ugu baaqday dhammaan bulshada qurba-joogta Somaliland ee ku nool Maraykanka inay si mug leh uga qaybqaataan bannaan-baxa aqoonsiga Somaliland ee ka qabsoomi doona Fagaaraha Dag Hammarskjöld ee First Avenue Plaza, magaalada New York, 23-ka Sebtembar 2026 ee Arbacada toddobaadkan.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Qurba-joogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu booriyey muwaadiniinta reer Somaliland ee lagu bartay dal-jacaylka inay si nabadgelyo ah oo nidaamsan, midnimo iyo masuuliyad leh uga qaybgelaan bannaan-baxa, iyadoo bulshada loogu baaqay inay ilaashadaan sharafta iyo sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Bannaan-baxa ayaa lagu soo beegay Shir-madaxeedka Qaramada Midoobay oo ay ka qaybgalayaan madaxda dalalka xubnaha ka ah UN-ka.