Tirada dhimashada ciidamada Mareykanka ee dagaalka lala galay Iran ayaa ka badan tan Pentagon ka soo baxday ugu yaraan ilaa afar qof.
Washington Post ayaa jimcihii sheegtay iyadoo xiganeysa saraakiil Mareykanka in tirada dhimashada ciidamada Mareykanka ee dagaalka Iran ay ka badan tahay tan rasmiga ee Pentagon-ka ku dhawaaqeen.
Wargeyska oo xiganaya shan sarkaal oo aqoon u leh tirada dhimashada ee ka soo baxda Wasaaradda Dagaalka ayaa sheegay in ugu yaraan 22 askari lagu dilay dagaalka Iran taas oo ah tiro ka badan tan rasmiga ee Pentagon-ka.
