Netanyahu ayaa si rasmi ah u beeniyay wararka sheegaya in dowladda Masar ay digniin horudhac ah ka siisay weerarkii iska caabinta ee 7-dii Oktoobar 2023.
Netanyahu wuxuu sheegay in uusan marnaba la kulmin ama la hadlin madaxii hore ee sirdoonka Masar, Abbas Kamel, bilooyinkii ka horreeyay weerarka, sidoo kalena aysan jirin cid ka tirsan sirdoonka Israa’iil oo u gudbisay digniin rasmi ah oo ka timid Masar.
Wuxuu ku dhawaaqay inuu qaaday tallaabo sharci ah oo ka dhan ah warbaahinta Israa’iil, isagoo ku eedeeyay inay wadaan “olole been abuur ah” oo loogu talagalay in lagu dhabar-jabiyo xukuumaddiisa loona saaro eedda guuldarradii 7-dii Oktoobar.
Wuxuu si toos ah u eedeeyay madaxii hore ee hay’adda sirdoonka gudaha (Shin Bet), Ronen Bar, inuu ku guuldarraystay inuu la xiriiro ama ka digtoonaado weerarka, inkastoo uu ogayn calaamadaha digniinta ee ay ka wada hadleen saraakiil sarsare oo militari ah.
Netanyahu wuxuu ku eedeeyay “dalal iyo hay’ado cadaw ah oo ay ku jiraan dalal Carbeed” inay kor u qaadayaan wararkan si ay u dumiyaan dowladdiisa.
