Netanyahu Oo si Adag Ugu Hanjabay Dalalkii ka Dambeeyay Dhacdadii Diyaaradda FlyDubai.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa soo saaray digniin adag, isagoo ku hanjabay in ay qiimo aad u culus ugu kici doonto dal kasta oo ka dambeeyay dhacdadii la xiriirtay diyaaradda FlyDubai.

Netanyahu ayaan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya in dowlad gaar ah ay mas’uul ka tahay dhacdadaas, waxaana hadalladiisu ay kusoo beegmayaan xilli baaritaannada kiiskaas ay weli socdaan, iyadoo gobolkana ay ka jirto xiisad iyo feejignaan amni oo aad u sarreysa.

Dhinaca kale Netanyahu ayaa markii u horreysay qiray Cumaan inay tahay dalka keliya ee ku yaal Khaliijka oo aysan Israa’iil wax saameyn ah ku lahayn.

Isagoo la hadlay Fox news, wuxuu yiri; “Waxaan hubaa in haddii Sultankii hore ee Cumaan, Qaboos, uu noolaan lahaa, Cumaan ay noqon lahayd dal kale oo ku biira Heshiisyada Abraham…Maamulka cusub ee Cumaan xiriir dhow lama laha Israa’iil, sidaas darteed hadda wax badan kama sheegi karo.”