Sacuudiga ayaa isku diyaarinaya duullaan cusub oo lagu qaadayo Xuutiyiinta Yemen, iyadoo ujeeddada ugu weyn ay tahay in Xuutiyiinta laga fogeeyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, si ay Sacuudiga ugu suragasho maraakiibtiisa inay ka gudbaan marinkaa, sida ay maanta baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Duulaankan uu Sacuudiga qorsheeyay ayaa billaaban kara toddobaadyada soo socda, waxaana jira qorshe kale oo lagu abaabulayo in ka badan 100,000 askari oo Yemeni ah kuwaasoo qayb ka noqonaya duulaanka, iyadoo Sacuudigu siinayo taageero dhinaca cirka ah.
Warbixintan waxay sheegtay Sacuudiga, inuu diyaarinayo labo qorshe; Weerar kooban oo laga qaado xeebaha ama weerar ballaaran oo dhowr jiho ah oo ka dhaca gudaha Yemen.
Maraykanku wuxuu siinayaa Sacuudiga xog sirdoon iyo la-taliyayaal militari, laakiin lama filayo inuu si toos ah uga qaybqaato dagaalka.
Pakistan ayaa sidoo kale gudaha Sacuudiga geysay 30,000 ilaa 40,000 oo askari, kuwaas oo ka caawinaya difaaca gudaha Sacuudiga, gaar ahaan ka hortagga gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta.
Waxa ugu weyn ee dagaalkan ku riixaya Sacuudiga, ayaa lagu sheegay inuu fahansanyahay in wada-hadallo aan dib loo bilaabi karin inta Xuutiyiintu gacanta ku hayaan marin-biyoodka Bab al-Mandab
