Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku shaaciyay in dib loogu sameeyay jadwalkii doorashooyinka Dowladda Galmudug iyo doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kaddib codsiyo uga yimid ururrada siyaasadda iyo qiimeyn uu guddigu sameeyay.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in go’aanka dib-u-habaynta jadwalku uu yimid kaddib kulan wada-tashi ah oo guddigu la yeeshay ururrada siyaasadda 4-tii Luulyo 2026, halkaas oo lagu falanqeeyay caqabadaha iyo diyaar-garowga doorashooyinka.
Guddigu wuxuu sheegay in doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug, oo markii hore loo qorsheeyay 20-ka Luulyo 2026, hadda loo asteeyay 25-ka Luulyo 2026.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, dib-u-dhiggan waxaa lagu saleeyay codsi ay soo gudbiyeen ururrada siyaasadda, kuwaas oo dalbaday waqti dheeraad ah si ay u dhammaystiraan diyaar-garowga musharraxiinta iyo hawlaha farsamo ee la xiriira qabsoomidda doorashada.
Guddigu wuxuu sidoo kale shaaciyay in dib-u-eegis lagu sameynayo jadwalkii hore ee Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.
War-saxaafadeedka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay timid kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ay guddiga u gudbisay soo-jeedin rasmi ah oo ku saabsan dib-u-eegista jadwalka doorashada, taas oo ku lifaaqnayd warqad wasaaradeed oo ku taariikhaysan 13-kii Juun 2026. Sidoo kale, ururrada siyaasadda ayaa iyaguna soo gudbiyay talooyin iyo codsiyo ku saabsan dib-u-habeynta jadwalka.
Kadib qiimeyn uu sameeyay guddigu oo lagu eegay heerka diyaar-garowga ururrada siyaasadda iyo natiijada wada-tashiyada dhacay, waxaa la go’aamiyay in wax-ka-beddel lagu sameeyo jadwalkii hore.
Guddigu wuxuu ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadda inay sida ugu dhaqsaha badan u soo gudbiyaan liisaska musharraxiintooda, si loo dhammaystiro waajibaadka sharci iyo farsamo ee looga baahan yahay qabashada doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.
Waxa uu guddigu carrabka ku adkeeyay in dib-u-habaynta jadwalku aysan ka dhignayn hakad ku yimid geeddi-socodka doorashooyinka, balse ay tahay fursad lagu hubinayo in dhammaan dhinacyadu si buuxda ugu diyaar garoobaan doorasho hufan.
Qodob kale oo muhiim ah oo war-saxaafadeedka lagu sheegay ayaa ah in Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ay sii wadi doonto diyaarinta iyo tababarka xubnaha Golaha Deegaanka la dooran doono.
Guddigu wuxuu sheegay in tababarradan looga gol leeyahay in xubnaha la soo dooranayo ay si hufan, mas’uuliyad leh, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka u gutaan waajibaadkooda marka ay xilka la wareegaan.
Gabagabadii war-saxaafadeedka, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu mar kale adkeeyay inuu ka go’an yahay ilaalinta madaxbannaanidiisa iyo ku shaqeynta sharciga.
Guddigu wuxuu sheegay inuu sii wadi doono wada-tashiga iyo la shaqeynta dhammaan daneeyayaasha geeddi-socodka doorashooyinka si loo qabto doorashooyin xor ah, xalaal ah, hufan oo daah-furan, isla markaana shacabka iyo daneeyayaashu ay kalsooni ku qabaan.
HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEED
