Khilaafka xoog leh, ayaa caawa ka dhex qarxay shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, kadib markii guddoomiye ku xigeenka 1-aad Siciid Mire Giire magacaabay guddida wax -ka-badelka iyo kaabista xeerka baananka Islaamiga ah.
Magacaabistan, ayaa waxa sharci-daro ku tilmaamay guddoomiye ku xigeen 2-aad Cali Xaamud Jibriil, oo soo saaray qoraal uu kaga hor yimi talaabada uu qaaday guddoomiye Giire.
Maalinta berri ah ayaa la filayaa in kulan ka dhaco golaha, xilli ay soo baxayaan khilaaf u muuqda loollan awoodeed oo u dhexeeya labada guddoomiye ku-xigeen, Giirre iyo Cali Xaamud, iyadoo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), uu dalka dibaddiisa ku maqan yahay.



