Xoogagga Xuutiyiinta ayaa helay gurmad militari oo ballaaran oo gaaray koonfurta gobolka Dhoobaab, taasoo beddeshay xaaladda militari ee aagga Bab-el-Mandeb.
Ciidamada cusub ayaa bilaabay hawlgallo ay kaga riixayaan aagga ciidammada ka soo horjeeda, iyagoo isku dayaya inay dib u soo ceshadaan awooddooda iyo goobihii ay lumiyeen.
Xuutiyiintu waxay u dhaqaaqeen dhanka Madaarka Dhoobaab iyo deegaanka Murad (Raas Bab-el-Mandeb). Hadafkooda ugu weyn ayaa ah inay jebiyaan go’doonkii hore loo saaray, isla markaana dib ugu soo laabtaan gacan ku haynta aagga muhiimka ah ee Bab-el-Mandeb.
Dhaqdhaqaaqan militari ayaa muujinaya in xaaladda Bab-el-Mandeb ay weli tahay mid aad u kacsan, iyadoo Xuutiyiintu ay dib u abaabulayaan ciidamadooda, halka dhinacyada kale ay isku dayayaan inay ilaashadaan goobaha ay gacanta ku hayaan.
