Heemaal News Network

Sheekh Shariif oo shaaciyay labo qalo oo Al Shabaab cadaawad u qabaan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii qaraxa ahaa ee xalay lagu qaaday maqaayada Top Coffee ee kutaalla magaalada Muqdisho, weerarkaasi oo lagu dilay dad u badnaa dhallinyaro.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday maqaayada kutaalla magaalada Muqdisho muujinayo cadaawada xun ee kooxda Al Shabaab u qabaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo ganacsatada dalka maalgashiga ku sameesaneysa.

”Weerarkan wuxuu muujinayaa cadaawadda kooxaha argagixisada ay u qabaan dhallinyaradeenna oo ah mustaqbalka dalka iyo ganacsatada maalgashiga ku sameystay dalka” ayuu yiri Madaxweyne hore heekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaana murugada la qeyb saday dadka eheladooda qaraxa ku dhinteen , waxa uu sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka dhaawacyada kala duwan uu qaraxa kasoo gaaray.

Qaraxii gaariga loo adeegsaday ee xalay ka dhacay maqaayada Top Coffee ee magaalada Muqdisho ayaa sababay geerida dad ku dhaw 10-qof iyo dhaawacyo intaasi ka badan, waxaana dadka dhintay u badnaayeen dhallinyaro shacab ah oo maqaayada u caweys tagay.