Monday, October 12, 2026

Guriga Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo Maanta Baaritaan Lagu Bilaabay..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Saraakiisha baarista socdaalka iyo kastamka ee Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (HSI) ayaa maanta baaritaan ku billaabay guriga xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka,sida ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka ee Fox news iyo AP ay ku jiraan.

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in saraakiishu fuliyeen amar maxkamadeed oo oggolaanayay baaritaanka, kaas oo qayb ka ah baaritaan federaal ah oo weli socda.

Sida ay baahisay warbaahinta ku dhow Trump ee Fox News, baaritaanku wuxuu diiradda saarayaa dukumentiyada socdaalka Ilhaan , ee Aabbaheed geeriyooday u buuxiyay, ka hor inta aysan imaan Mareykanka, tallaabo u muuqata in maamulka Trump uu raadinayo habab uu ku cadaadiyo Ilhaan Cumar iyo fursad sharciyadeed oo kursiga lagu dhaafsiin karo.

Ilhaan Cumar, oo ah qofkii u horreeyay ee Soomaali ah oo ku biira Congress-ka Mareykanka, ayaa laga soo doortaa degmada 5-aad ee gobolka Minnesota, oo ay ku jirto magaalada Minneapolis. Waxaa markii ugu horreysay loo doortay Congress-ka sannadkii 2018.

Waxay ka mid tahay koox haween ah oo xildhibaano Dimuqraadi ah oo loo yaqaan The Squad, kuwaas oo caan ku ah aragtiyahooda siyaasadeed ee horumarka ku salaysan iyo dhaleecaynta xooggan ee ay u jeediyaan xisbiga Jamhuuriga iyo Trump oo xisbigaa ka tirsan.

Screenshot

Screenshot

Screenshot

Screenshot