1
Wasaaradda caafimaad ka Soomaaliya ayaa sheegtay in la karantiilay muwaadin Soomaali ah kaas oo safar la galay qof u dhintay cudurka halista ah ee Ebola.
Muwaadinkan ayay wasaaradda Caafimaadka sheegtay in la geeyey Cisbitaalka Forlanini ee magaalada Muqdisho halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagu baadhayo maaddama oo uu u safaray dalka Kongo oo ka mid ah meelaha uu sida weyn ugu baahay cudurka Ebola oo sannadihii dambe dunida caan ka noqday.
