Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa kulan kula yeeshay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ee Magaalada Hargeysa, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Danjire Teshome, Qunsulka Guud ee Itoobiya ee Somaliland iyo u-qaybsanaha difaaca ee safaaradda Itoobiya.
Kulankan ayaa labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka iyo iskaashiga dhinaca Difaaca ee labada Waddan.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Danjire Teshome, ayaa Taliyaha Guud Ciidanka Qaranka uga warramay xaaladdihii ugu dambeeyey iyo horumarrada ka socda gobolka.
Waxa kale oo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo wax ka qabashada arrimaha amni ee gobolka ka taagan.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa xaqiijiyey sida ay Somaliland uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada ciidan, si loo taageero nabadda iyo xasilloonida gobolka.




