Heemaal News Network

Israa’iil Oo Faahfaahisay Weerar ay Xuutiyiinta ku Qaadeen Tel Aviv

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in khalad dhanka aadanaha ah uu horseeday in diyaaradda aan duuliyaha lahayn la ogaan waayo ka hor inta aysan ku qarxin bartamaha Tel Aviv subaxnimadii hore ee Jimcihii.

Ciidamada gurmadka ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay hal qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay Tel Aviv la beegsadeen waxa ay ugu yeereen diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn oo ay ku xiran tahay tignoolajiyada cusub .

Bayaanka Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in Tel Aviv ay noqon doonto bartilmaameedka koowaad ee weeraradooda. Kooxda ay Iran taageerto ayaa si joogto ah u bartilmaameedsada maraakiibta isaga goosha xeebaha Yemen, iyo sidoo kale weeraro dhowr ah oo lala beegsaday Israa’iil sagaalkii bilood ee la soo dhaafay.

Waxay sheegtay in ficilladeeda ay ku taageerayaan Xamaas iyo Gaza.