Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in xarunta TURKSOM ee Muqdisho ay tahay saldhig ciidan oo ay leedahay dowladda Turkiga, isagoo sheegay in arrintaasi tahay “war aan sal iyo raad lahayn” oo loo adeegsanayo dacaayad.
Madaxweynaha ayaa wareysi uu siiyay Al Jazeera ku sheegay in xarunta TURKSOM ay tahay goob lagu tababaro ciidamada Soomaaliya, isla markaana aysan Turkigu halkaasi ku lahayn saldhig ciidan.
Xarunta TURKSOM ayaa tan iyo 2014 waxaa tababarro loogu qabanayay ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan cutubyada Gorgor, waxaana halkaasi ka qalin-jabiyay kumannaan askari Soomaaliyeed.
Ciidamada marka ay dhammaystaan tababarka aasaasiga ah ee TURKSOM, waxaa qaar ka mid ah loo qaadaa dalka Turkiga, halkaas oo ay tababarro dheeraad ah iyo koorsooyin ciidan oo horumarsan uga qaataan xarumaha tababarka, gaar ahaan magaalada Isparta.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalal ay ka mid yihiin Israel iyo Imaaraadka Carabta ay adeegsadaan sheegashada ah in TURKSOM uu yahay saldhig ciidan oo Turkiga leeyahay.
