Monday, October 19, 2026

Madaxweyne Macron:-“Farance Waxa loo Ciqaabayaa Dagaalka Iraan iyo Yemen oo Aanan Qeyb ka aheyn”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ka hadlay dibadbaxyada ka socda dalkiisa, isaga oo sheegay inaan la isku khaldin karin dadka si nabad ah u muujinaya cabashadooda iyo kuwa ku kacaya rabshadaha iyo boobka hantida.

Macron ayaa qiray in shacabka Faransiisku ay xaq u leeyihiin inay muujiyaan walaaca ay ka qabaan kororka qiimaha shidaalka iyo culayska dhaqaale ee soo wajahay, hase yeeshee wuxuu sare u kaca qiimaha shidaalka ku xiray xiisadaha iyo dhacdooyinka ka socda gobolka Gacanka.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dalkiisu aanu qayb ka ahayn dagaallada iyo xiisadaha ka socda gobolkaas, inkasta oo saameynta dhaqaale ee colaadahaasi ay kasoo gaartay shacabka Faransiiska, gaar ahaan dhinaca qiimaha shidaalka iyo nolosha maalinlaha ah.

Macron ayaa hadalkiisa ku muujiyay muhiimadda ay leedahay in la kala saaro xaqa ay muwaadiniintu u leeyihiin dibadbax nabadeed iyo falalka rabshadaha wata ee waxyeellada u geysanaya dadka iyo hantida.