Monday, October 19, 2026

18 Qof Oo ku Dhintay Weerar ay Xuutiyiintu ku Qaadeen Xero Ciidamada Dowladda Yemen lagu Tababaro

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen xero tababar oo ay la haayeen ciidamada dowladda Yemen oo ku taal gobolka Shabwa sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa ilo dowladda ah iyo kuwa caafimaad.

Xutiyiinta ayaa si joogto ah u bartilmaameedsaday xarumaha ciidamada isbahaysiga la ah dowaldda la aqoonsan yahay ee Yemen iyo ciidamada taageera isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo.

Xuutiyiinta ayaa mar sii horeysay ku weeraray shan gantaal qasriga Al-Maashiq kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay xarunta howlgallada ee isbahaysiga Sacuudiga hoggaamiyo.

Warbixinadii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in shan qof lagu dilay iyadoo tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen weerarka. Qasriga waxaa deggan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen.