Tuesday, October 13, 2026

Guddoomiye Xirsi Oo soo Dhaweeyay Hadalkii Trump Ee Somaliland Uu ka Sheegay

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo dhaweeyey fikradda ah in Somaliland loo bixiyo magac cusub oo si cad uga soocaya Soomaaliya, isaga oo soo jeediyey in magaca “Jamhuuriyadda Badda Cas” (The Red Sea Republic) uu noqon karo doorasho wanaagsan.

Xirsi ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu hore u qaatay go’aanno kale oo la yaab leh, isla markaana uu leeyahay geesinimada uu si rasmi ah ugu aqoonsan karo Somaliland dal madax-bannaan.

Waxa uu muujiyey rajada laga qabo in Madaxweyne Trump uu qaado tallaabada aqoonsiga rasmiga ah ee Somaliland.