Tuesday, August 11, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan Oo Iran kala Hadlaya Xiisada Gobolka Xili Uu Gaaray Tahran Maanta

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi, ayaa gaaray magaalada Tehran, halkaas oo uu kulan kula yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Iran.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iran, Sikandar Momeni, ayaa ku soo dhaweeyay Naqvi Tehran. Intii uu booqashada ku guda jiray, Naqvi wuxuu sidoo kale la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Pakistan iyo Iran, iyo arrimo kale oo ay labada dal dan wadaag ka leeyihiin.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iran ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Pakistan iyo Iran, iyadoo sidoo kale la filayo in laga wada hadlo arrimo ay labada dal si wadajir ah u danaynayaan.

Dhanka kale, sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Pakistan ayaa BBC u sheegay in Mohsin Naqvi uu Tehran u tagay isagoo sida farriin ka timid dowladda Pakistan. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in dib loo soo nooleeyo wadaxaajoodyada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

Dhinaca kale Iran iyo Mareykanka oo ku dhow in ay heshiis gaaraan

Warbaahinta Bloomberg ayaa soo warisay in Pakistan ay sheegtay in Iran iyo Mareykanka ay ku dhow yihiin inay gaaraan nooc heshiis ah.

Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif, oo la hadlay Bloomberg, ayaa sheegay in tilmaamihii jiray labadii ama saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay muujinayeen in labada dhinac ay ku dhow yihiin inay gaaraan “heshiis ama is-afgarad” lagu doonayo nabad, sida ay Reuters soo werisay.

“Xaaladdu waxay mar kale u muuqataa inay u jihaysan tahay heshiis nabadeed ama heshiis dhex mara labada dhinac,” ayuu yiri.

Warkan ayaa soo baxay iyadoo Iran ay dhawaan sheegtay in aysan jirin wada-hadallo toos ah oo ay Mareykanka la waddo, balse farriimo la is dhaafsanayo iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyayaal.