Wednesday, October 21, 2026

Ruushka Oo Baahiyay Qorshaha Sacuudigu Yemen ku Geynayo Dagaalyahano Suuriyaan ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Telefishinka Ruushka ee RT, wargeysyada Middle East Monitor iyo Al-Akhbar ayaa maanta baahiyay warbixin lagu sheegay Sacuudiga inuu qorsheynayo 10,000 dagaalyahan oo ka imaanaya Suuriya in la geeyo Yemen, si ay u xoojiyaan awoodda dagaalka ee ciidanka uu taageerro Sacuudiga.

Taliyeyaal militari oo u dhashay Suuriya ayaa la sheegay inay tageen deegaannada ku teedsan xuduudda Sacuudiga iyo Yemen, si ay u qiimeeyaan baahiyaha saadka iyo habka hawlgalka loo fulin karo.

Qorshaha la soo weriyey ayaa dhigaya in dagaalyahan kasta la siinayo $2,000 bishii, iyadoo isla warbixintan lagu sheegay dagaallamayaashan la qorsheynayo in la qoro inay ka kala yimaadeen dalal kala duwan