Taliyihii sirdoonka milatariga ee Ciidanka Qaranka Liibiya, oo gacanta ku hayay bariga iyo koonfurta Liibiya, ayaa lagu dilay qarax gaari loo adeegsaday, sida uu ciidanka Liibiya ku sheegay bayaan uu soo saaray maanta.
Fawzi Mansouri ayaa la khaarijiyay Isniintii, kaddib markii bam lagu xiray gaarigiisa uu qarxay xilli uu habeenkii ka soo baxayey masaajid ku yaalla deegaanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Benghazi ee bariga Liibiya.
Liibiya waxaa ka jiray dagaal sokeeye iyo xasillooni-darro bulsho tan iyo markii taliskii hoggaamiyihii hore Muammar Gaddafi la riday sannadkii 2011.
Hadda waxaa jira laba dowladood oo ku loollamaya gacan ku haynta Liibiya: dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee fadhigeedu yahay Tripoli, oo uu hoggaamiyo Abdelhamid Dhaiba, iyo Ciidanka Qaranka Liibiya oo fadhigiisu yahay Benghazi, kaas oo uu hoggaamiyo Khalifa Haftar.
Ciidanka Qaranka Liibiya ayaa bayaankooda ku tilmaamay dilka Mr. Mansouri “fal fulaynimo iyo dambiyeed”, iyagoo carrabka ku adkeeyay sii wadista “dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo amniga Liibiya.”
