Netanyahu ayaa maanta uga hadlay arrimaha Iiraan, si uusan horey ugu hadlin.
Wuxuu yiri; “Annaga ayaa burburinayna iyaga, ama iyaga ayaa na burburinaya.”
Wuxuu intaa ku daray; “Horay ayaan sidan u samaynay, haddana waan samayn doonnaa, annaga ayaana gaarsiin doonna dharbaaxada ugu dambaysa.”
Netanyahu, wuxuu hadda usoo bandhigaya dagaalka Iiraan, mid ay xataa ku burburi karto Israa’iil, wuxuuna muujinaya sida uu u doonayo mar kale dagaal inuu dib u billaabo, kaasoo dhici kara ka hor doorashada Israa’iil ee la qabanayo 27 bishan Oktoobar.
Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa in Netanyahu uu ku dhowyahay doorashada in looga guuleysto, sabab la xiriirta hoos u dhac ku yimid taageerrada dadweynaha, taasoo ah waxa ku riixi kara inuu bilaabo dagaal dhalin kara xaalad deg deg ah oo ay Israa’iil gasho.
