Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee U.S. CENTCOM Brad Cooper oo kulan degdeg ah Tel Aviv kula leh Taliyaha Ciidamada Israal, Eyal Zamir, iyo Taliyaha Ciidamada Imaaraadka
Wararka aan ka helayno warbaahinta Israal iyo wargeysyada Mareykanka ayaa sheegaya in uu maanta qabsoomay kulan u dhexeeya Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee U.S. CENTCOM Brad Cooper iyo kan Ciidamada Israal, Eyal Zamir. Wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka uu ku soo biiray qof loo malaynayo in uu yahay Taliyaha Ciidamada Imaaraadka ama sarkaal sare oo ka socda Imaaraadka, kaas oo diyaaradiisa raadkeeda laga arkay duulimaadyada Abu Dhabi iyo Tel Aviv.
Kulanka ayaa la sheegay in uu diiradda saarayo weerar rogaal-celis ah oo Iran lagu qaadayo iyo sidii Imaaraadku weerarkan hadda qayb uga noqon lahaa. Waxaa indhawaalaba socday qorshe Imaaraadku riixayo kaas oo ah xulufo abuur ay kamidyihiin heshiis difaac oo la filayo in Imaaraadku la saxiixdo Hindiya. Sucuudiga oo dhankiisa ka welwelsan rogaalceliska duullaanka Mareykanka ayaa 15 kun oo askari iyo diyaaradaha dagaalka ka codsaday Pakistan, kuwaas oo hadda la sheegay in ay toos uga hawlgaleen Sucuudiga.
Pakistan iyo Sucuudiga ayaa leh xiriir difaac oo haddii mid la weeraro uu ka dhiganyahay kan kale oo la weeraray. La fili mayo in Pakistan ay Iran dagaal la gasho, laakiin Amiir Maxamed Bin Salmaan oo cabsi weyn ka qaba kacdoon gudaha kaga dhasha ayaa la sheegay in uu ciidamada Pakistan ku xoojinayo kuwiisa amniga gudaha.
Xulufo abuurka Imaaraadka ayaa la sheegay in uu diirada saarayo dalal Muslim ah oo Imaaraadku rajaynayo in ay la xulufo noqdaan Yhda iyo Mareykanka kuwaas oo ay hadda kow ka tahay Indonesia oo heshiis difaac maalin kahor la saxiixatay Mareykanka.


