Saturday, October 24, 2026

Afhayeenka Ciidanka Iran Oo Maraykanka Uga Digay in dagaal uu ku Tilmaamay “Dagaal Aakhiro”Uu la Galo

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) Hossein Mohebbi, ayaa maanta ka digay in dagaal uu ku tilmaamay “dagaal aakhiro” oo dhex mara Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil uu saameyn ku yeelan karo gobolka oo dhan, isla markaana go’aamin karo mustaqbalka dalal kale.

Mohebbi ayaa shacabka Iiraan ugu baaqay inay ilaashadaan midnimada qaranka, xoojiyaan awoodaha gudaha, kana shaqeeyaan difaaca madax-bannaanida dalka, dhaqankiisa iyo aqoonsigiisa diimeed.

Wuxuu muujiyay kalsooni ah in Iiraan ay gaari doonto “guul buuxda” oo ay noqon doonto quwad caalami ah.

Wuxuu Mareykanka iyo Israa’iil ku eedeeyay inay doonayaan wiiqidda iyo kala-jajabinta Iiraan.

Hadalka ayaa yimid iyadoo xiisadaha u dhexeeya Tehran iyo Washington ay weli taagan yihiin, islamarkaana ay jiraan warbixinno sheegaya suurtagalnimada weerarro cusub oo Mareykanku qaado