Sunday, October 25, 2026

Taliyaha Ciidamada Itoobiya Oo ka Hadlay Badda Cas kuna Eedeeyay Dalalka Masar, Suudaan iyo Eritrea ku

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha guud ee ciidamada milatariga Itoobiya ayaa dalalka Masar, Suudaan iyo Eritrea ku eedeeyay inay ciidamada TPLF ku dhiirrigeliyeen inay dagaalka bilaabaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada milatariga Itoobiya ay gacanta ku dhigeen hub badan oo la sheegay in laga soo dejiyey dekedda Massawa ee dalka Eritrea.

Wuxuu yiri hada Wado kale noma fura kaliya waa inaan difaacno madax-banaanida dalkeena ayuu yiri Birhanu Jula.

Sidoo kale Taliyaha guud ee Itoobiya, ayaa badda-cas ku tilmaamay khayraad muhiima oo ay tahay in shacabka Itoobiya ay ka faa’iideystaan. Sidoo kale, wuxuu badda-cas ku tilmaamay marin baddeed istaraatiiji ah oo muhiimad gaara u leh Itoobiya.

Taliyaha wuxuu sheegay in xidhiidhka Itoobiya kala dhexeeya dalalka deriska ah loo baahan yahay inuu ku dhisnaado walaaltinimo iyo iskaashi deris wanaag, balse taas macnaheedu ahayn in Itoobiya ay ka tanaasusho danaha ay u aragto iney muhiim u yihiin.

Wuxuuna hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in Itoobiya ay ku adkeysanayso difaaca danaheeda.