Sunday, October 25, 2026

Itoobiya oo ka Digtay Xaalad Cusub oo ku soo Wajahan Gobolka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Itoobiya ayaa ka digtay in sii kordhaya dhaqdhaqaaqyada militari, loollanka quwadaha shisheeye iyo weerarrada maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas ay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka iyo ganacsiga caalamka.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya, Redwan Xuseen, ayaa sheegay in amniga Badda Cas uusan ahayn mas’uuliyad ku kooban dalalka xeebaha leh, balse uu u baahan yahay iskaashi ay ka qeybqaataan dalalka gobolka iyo beesha caalamka.

Redwan ayaa sheegay in muhiimadda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika, kheyraadka dabiiciga ah iyo marinnada ganacsiga ay soo jiiteen quwado ku loollamaya saameynta gobolka, taas oo sii adkeynaysa xaaladda siyaasadeed iyo amni.

Wuxuu sidoo kale xusay colaadaha gudaha, murannada kheyraadka iyo hanjabaadaha kooxaha xagjirka ah inay caqabad ku yihiin iskaashiga amni ee gobolka.

Digniinta Itoobiya ayaa ku soo aadeysa xilli Addis Ababa ay raadineyso marin-badeed, iyadoo ganacsigeeda dibadda uu si weyn ugu tiirsan yahay dekedaha gobolka. Redwan ayaa sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay dowladaha gobolka iyo hay’adaha caalamiga ah kala shaqeyso xoojinta amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Hadalladan ayaa ka soo baxay kulan qeyb ka ahaa shirka Tana ee amniga Afrika, oo ka socda magaalada Bahir Dar, kaas oo looga hadlayay xaaladda amni ee Geeska Afrika, loollanka quwadaha iyo khataraha ku soo kordhaya marinnada ganacsiga Badda Cas.