Monday, October 26, 2026

Jawhar Oo Xog Banaanka Keenay una Caqli-celiyay Oromada Mooyaale ku Duushay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Jawhar Mohamed, oo intii dagaalku bilawday dadkiisa u caqli celinaya ayaa ka falceliyay muqaal been ah oo kooxaha Oromadu ku sheegayan in dagaalka ay ku jiraan isbahaysigii Tigreega iyo Axmarada. Jawhar ayaa beeniyay, sheegayna in aysan waxba ka jirin oo aysan dagaalka soo galin isbahaysiyo.

Muuqalka waxay ka duuben qof Orom ah oo Axmari ku hadlaya. Wuxuu iska dhigaya maxbus Tigree ah oo Soomalida laga qabtay. Dibaan idinka faah-faahin.

Jawhar Maxamed, ayaa se xog suuqa ku jirtay bannaanka keenay. Wuxuu tilmaamay in Magaalada Federal laga dhigo doono. “Hada laba Calan ayaad isku haysataan. Qorshaha Abiye wato waa in Federal laga dhigo hal calana laga taago. Berito kuwiina dhintana lama xasuusan doono.”

Hadii sida xoggaha tibaaxayan Moyale Federal laga dhigo waxay halis badan ku tahay Soomalida. Maadama lagu milmayo magaaladuna isku furmayso mid gacantoda ka baxday noqon. Heerarka kala duwan ee Deeganka iyo xubnaha Federalku yaysan dabin noocasa ku dhicin, oo yaysan noqon taarikh madaw oo lagu xasuusto.