Shiinaha ayaa Iiraan u diray 4 markab oo siday kiimikooyin loo adeegsado soo-saarista gantaallada, sida uu qoray wargeyska Telegraph, tani waxay Iiraan ka caawineysaa soo-saarista boqolaal gantaal oo ballistic ah.
Go’aanka ay Itoobiya ku taageertay degsiimooyinka xoogga ah ee Israa’iil ay ka wado dhulka Falastiin
Go’aanka ay Itoobiya ku taageertay degsiimooyinka xoogga ah ee Israa’iil ay ka wado dhulka Falastiiniyiinta ayaa lagu warramayaa inuu caro ka dhaliyay gudaha Itoobiya, ka dib markii maalintii u dambeysay bishii Maarso ay Itoobiya ‘maya’ u codeysay qaraar lagu cambaareynayay degmsiimooyinka ay Israa’iil wado oo la horgeeyay golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.
Go’aankan ayaa lagu sheegay inay ka dhigantahay inuu is beddel ku yimid mowqifkii diblomaasiyadeed ee Itoobiya, isla markaana uu dhaawac ku yahay taariikhda Itoobiya ee ka soo horjeedda gumeysiga iyo nidaamkii midab-takoorka, xilli muddooyinkii u dambeeyay la arkayay inay Itoobiya xoojisay xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Israa’iil, oo ay ka mideysan-yihiin arrimaha gobolka geeska Afrika , sida ay werisey Al Jazeera.
