Sunday, November 1, 2026

Xisbiga la Wareegi kara Aqlabiyadda labada Aqal Ee Congress-ka Maraykanka Oo lasoo Bandhigay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Laba maalmood ka hor doorashada dhexe ee Maraykanka, oo dhici doonta 3-da bishan November , ayaa CNN soo bandhigtay saadaasheedii ugu dambaysay ee ku saabsan xisbiga la wareegi kara aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka Maraykanka.

Saadaasha uu soo bandhigay falanqeeyaha xogta ee CNN, Harry Enten, ayaa tilmaamaysa:

•Aqalka Wakiillada: Dimuqraadiyiinta ayaa la saadaaliyey inay ku guuleysan doonaan 237 kursi, halka Jamhuurigu heli doono 198 kursi.

•Senate-ka: Dimuqraadiyiinta ayaa la saadaaliyey inay heli doonaan 52 kursi, halka Jamhuurigu heli doono 48 kursi.

Saadaashani waxay muujinaysaa suurtagalnimada in Dimuqraadiyiintu labada aqal ee Congress-ka kala wareegaan xisbiga Jamhuuriga ee Trump, taasoo xaddidi karta awoodda Trump ee meelmarinta qorshayaashiisa siyaasadeed.

Haddii ay taasi dhacdo, Aqalka Cad wuxuu wajihi karaa baaritaanno dheeraad ah oo Congress-ku sameeyo iyo caqabado siyaasadeed oo cusub, kuwaasoo saameyn ku yeelan kara siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ee Maraykanka, waxna ka beddeli karta jihadda siyaasadeed ee Mareykanka.