Sunday, November 1, 2026

Iiraan oo Hanjabaad Hor leh Jeedisay Maraykanka Xilli Trump Rajo-muujiyey.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Afhayeenka ciidamada milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Mohammad Akraminia, ayaa sheegay in haddii uu qarxo dagaal cusub, goobta colaadda aysan ku koobnaan doonin gobolka Galbeedka Aasiya.

Akraminia ayaa sheegay in xarumaha, qalabka, ciidamada iyo danaha Mareykanka, meel kasta oo ay ku yaallaan, ay noqon karaan bartilmaameedyo.

Isagoo ka hadlayay xoojinta diyaar-garowga milatari iyo dib-u-cusboonaysiinta liiska bartilmaameedyada, ayuu sheegay in dagaal cusub uu noqon karo mid “aad uga dheer” kii hore.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Iran ay muddo hore bilowday in ay istaraatiijiyaddeeda difaaca u beddesho mid weerar ku dhisan, taas oo uu sheegay inay si cad u muuqatay intii uu socday dagaalkii ugu dambeeyay.

Wasiirka Difaaca Iiraan Mehrdad Akhlaghi uu ballan qaaday jawaab “simi ah, go’aan qaadasho leh oo wax ku ool ah” oo ku aaddan weerar kasta oo lagu bartilmaameedsanayo dalkiisa, sida laga soo xigtay telefishanka dowladda Iiraan.

Waxaa sidoo kale laga soo xigtay in haddii Iran lagu qaado weerar cusub oo milatari ama mid “argagixiso”, ay Tehran go’aansan doonto waqtiga iyo shuruudaha lagu soo afjarayo colaadda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay doonayso inay heshiis la gasho Mareykanka, isagoo yiri: “Waxay doonayaan inay heshiis sameeyaan, waana arki doonnaa inay awoodi karaan iyo in kale.”

Markii wax laga weydiiyay suurtagalnimada in dagaalku dib u billowdo, Trump wuxuu ka gaabsaday inuu sheego haddii Mareykanku uu dib ugu laaban doono hawlgallada milateri ee ka dhanka ah Iiraan, kuwaas oo dhici kara xitaa toddobaadkan gudihiisa, wuxuuna yiri: “Idin sheegi maayo.”

Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku uu ku guuleystay inuu burburiyo qayb weyn oo ka mid ah awoodaha milateri ee Iiraan, isagoo xusay in Washington ay weli u baahan tahay inay wax ka qabato “hal ama laba bartilmaameed”.