Adeega Gurmadka Baddaha ee dalka Spain waxay maanta oo Isniin ah sheegay inay soo badbaadiyeen in ka badan 380 Muhaajiriin oo dooni ku soo gaaray meel ka baxsan Jesiiradaha Canary Islands ee dalkaasi.
Labo mayd ayaa laga helay Doonida gudaheeda, kadib, markii ay Ilaaladda Xeebaha Spain maanta 380 Muhaajiriin ka soo badbaadiyeen meel 150 KM (94 miles) ka baxsan Jesiiradda Lanzarote
Muhaajiriinta la soo badbaadiyey ayaa laga soo xigtay inta ay Tahriib-Baddeedka ku soo jireen ay 5 qof oo geeriyootay ay Badda ku tuureen, sida laga soo xigtay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee Spain.
Dhanka kale, 250 kale oo Muhaajiriin ah ayey Ilaaladda Xeebaha ka soo badbaadiyeen Waaberigii hore ee maanta oo Isniin ah meel ka baxsab Jesiiradda Lanzarote.
Sidoo kale, Axadii shalay 107 Muhaajiriin ayaa laga soo badbaadiyey Jesiiradda kale ee El Hierro ee ka tirsab Jesiiradaha Canary Islands.
Qoraal uu Guddoomiyaha Jesiiradaha Canary Islands, Fernando Clavijo soo dhigay Barta Bulshada ee X ayuu ku sheegay in Cimiladii ugu xumayd ay ka jirto Badweynta Atlantic Ocean, isla markaana ay mar kale nafo kale qaadi doonto.
Waxa uu sii raaciyey: “Qof kasta oo Badweynta Atlantic ku dhintay waxa uu leeyahay Nolol, sheeko iyo qoys”.
Si kaataba, Marinka Badweynta Atlantic laga soo bilaabo Galbeedka Afrika ilaa Jesiiradaha Canary Islands ee dalka Spain waxay ka mid tahay Goobaha ugu dhimashada badan ee ay Tahriibayaaaha ka soo gudbaan.
Kumanaan Muhaajiriin ayaa sanad kasta isku daya Tahriibkaasi, iyagoo soo raaca doonyo si xad-dhaaf ah loo soo buux dhaafiyey, iyadoo Muhaajiriinta doonayaan inay gaaraan Xuduudaha Spain (The Spanish territory).
