7
Dowladda Hindiya ayaa shaacisey in ay xoog kaga furatay burcad-badeedda Soomaalida markabka Azini oo laga leeyahay dalka Iiraan, kaas oo ay saarnaayeen labaataneeyo shaqaale Hindi ah, sida oo kale waxa ay gacanta ku dhigtay qayb ka mid ah burcadda.
Wasiirka Difaaca Hindiya, Rajnath ayaa sheegey in ay howlgal bad & cir ah ku furteen markabka ayna sii wadayaan in ay tallaabooyin adag ka qaadaan guud ahaan burcad-badeeda Soomaalida.
Hindiya ayaa gacanta ku haysa boqolaal burcad-badeed Soomaali ah, kuwaa oo u badan deegaannada Puntland.
